Mintidiinta Al-Qacida ayaa ku baaqay taageero loo fidiyo muslimiinta Rohingya ee dalka Myanmar, kuwaas oo wajahaya olole amni oo qasbay in 400,000 oo ayaga ka mid ah ay u qaxaan dalka Bangladesh.
Mintidiinta Al-Qacida waxa ay sidoo kale ka digeen in Myanmar ay wajihi doonaan “ciqaabta dambiyada ay galayaan.”
Bayaan ay soo saartay ayay Al-Qacida ugu baaqday dhammaan muslimiinta dunida inay walaalahooda kale ee muslimiinta Myanmar ku taageeraan gargaar, hub iyo taageero milatari.
“Dhaqanka rabshadda wata ee ka dhanka ah walaalaheena muslimiinta ah ma noqon doono mid la illaawo ciqaab la’aan” ayaa lagu yiri bayaanka Al-Qacida
“Dowladda Myanmar waxay dhadhami doontaa waxa ay walaalaheena muslimiinta dhadhamiyeen”.
Dowladda Myanmar ayaa ku dooday in ciidamadeeda ay wadaan olole sharci oo ka dhan ah wax ay ugu yeertay kooxo argagixiso oo ay ku eedeysay weeraro ka dhan ah ciidamadeeda milatariga iyo booliska iyo shacabka.
@VOA