Home > Wararka Maanta > Dagaal u dhexeeya ciidamada Dowlada iyo shabaab oo ka dhacay Halgan

Dagaal u dhexeeya ciidamada Dowlada iyo shabaab oo ka dhacay Halgan

Wararka Maanta

 

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo labada dhinac ay madaafiic isu adeegsadeen.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Halgan, waxaana saraakiisha ciidamada ay sheegeen inay iska caabiyeen.

Wariyeyaasha ku sugan Beledweyne ayaa soo sheegaya inay isa soo tarayeen weeraro habeenadii la soo dhaafay ka dhacay Halgan, kuwaasoo ahaa madaafiic lagu weeraray saldhigga Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Guddoomiyaha degmada Buulo Burte ayaa dhowaan sheegay inay qaadi doonaan howlgallo ay isugu furayaan waddooyinka Gobolka Hiiraan, gaar ahaan waddooyinka soo gala Buulo Burte oo Al-Shabaab jareen.

Degmada Buulo Burte ayaa in muddo sanado ah ku jirtay xaalad go’doon ah, iyadoo inta badan saanada ciidamada iyo sahayda lagu gaarsiiyo diyaarado.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!