Dagaal maanta ka dhacay Magaalada Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dagaal kooban ayaa saaka ka dhacay magaalada Galkacyo, waxaana ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland ku dagaalameen saldhiga ciidamada Booliska Galmudug ku leeyihiin Galbeedka Magaalada.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob joogayaal ciidamada Maamulka Puntland ayaa dagaal ku qaaday Saldhigaas, waxaana ay iska caabin kala kulmeen ciidamada Galmudug ee saldhiga ku sugnaa, xaalada ayaa hadda dagan kadib markii ciidanka Puntland dib uga ruqaansadeen goobta dagaalku ka dhacay.

Khasaaraha dagaalka ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday 3 qof oo labada dhinac ah, halka dhaawacu gaarayo ilaa 5 kale.

Sidoo kale rasaas goos goos ayaa labada ciidan isku weydaarsadeen suuqa weyn ee magaalada Galkacyo, dadka shacabka ah ayaa ku sugan guryahooda. Magaalada Galkacyo ayaa si dhab ah ukala xirantay kadib markii Puntland joojisay gaadiidka Badeecada isku gudbaysa arintaas oo saameyn ku yeelatay dhaqdhaqaayadii ganacsi magaalooyinka Boosaaso iyo Galkacyo.

Deegaanada Galmudug oo 80% badeecada kaga imaan jirtay Boosaaso ayaa hadda waxaa gabi ahaanba istaagay xiriirkii ganacsi ee ay la laheyd Boosaaso.