Dagaal maalintii labaad ka socda Deegaanka Dumaaye gobolka Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa saaka dib uga bilowday deegaanka Dumaaye oo hoostaga degmada Xarardheere dagaal culus oo u dhaxeeya Alshabaab iyo dadka deegaanka.

Dagaalka oo ka socda dhul howd ah ayaa u suurtagalisay in dadka deegaanku khasaare badan gaarsiiyaan Alshabaab, waxaana dagaalka maanta socda noqo kii saddexaad ee todobaadkan dhexmara labada ciidan.

Dagaalka ayaa la inoo xaqiijiyey in shabaabka looga dilay ilaa saddex askari iyo dhaawac intaas ka badan, dadka deegaanka ee Alshabaab la dagaamaya ayaa gurmad saanad ciidan ah ka helay magaalada Cadaado, waxaana Alshabaab markii saddexaad ku jabeen dagaalka, waxayna shalay uga carareen meydadka Askartooda goobta dagaalka.

Alshabaab ayaa shalay damiyey isgaarsiinta degmada Xarardheere iyo deegaanada ku xeeran, waxaana xusid mudan in ay isku dayayaan in ay xoog ku qabsadaan deegaanadaas.

Comments are closed.