ONLF Oo Ka Warbixisay Halka Uu Marayo Wada-hadallada Kala Dhaxeeya Itoobiya

Wararka Maanta

Xoghayaha guud ee Jabhadda ONLF Cabdiraxmaan Shiikh Mahdi oo khudbad u jeedinayay dad isugu soo baxay Magaalada Jigjiga ayaa ka hadlay halka uu marayo wada hadalada lagu dhammeystirayo heshiiska hordhaca ah ee ay la galeen Dowladda Federaalka Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Jabhadda ONLF ay waligeed u taagneed sidii ay Nabad galyo ugu raadin laheyn Xuquuqda Soomaalida kunool Dhulka Itoobiya ay maamusho.

Wada hadalka ayuu tilmaamay in aan dhankooda ka imaan balse Dowladda Federaalka Itoobiya ay dalbatay, kadib markii uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiye Ahmed uu ku fakariyay sidii dhankooda loola hadli lahaa.

Xoghaye Cabdiraxmaan ayaa intaa ku daray in isbadalka Itoobiya ka dhacay uu sababay in umad waliba xaqooga ay u raadsadaan si nabadgalyo ah.

Shacabka Soomaalida meel waliba oo ay joogaan waxa uu Cabdiraxmaan Shiikh Mahdi Xoghahaya Ururka ONLF ku sheegay in ay yihiin dad walaalo ah, ayna ku haminayaan Midnimadooda sida ku cad Xidigta dhexda ugu taal Calanka Soomaaliya.

Waa uu sii hadlay Xoghayaha guud ee ONLF waxa uuna sheegay in shan qodob ay hor dhigeen Dowladda Federaalka Itoobiya ay kamid tahay sidii loo heli lahaa xuquuqda shacabka Soomaalida.

Gudiga isku dhafka ah ee labada dhinac laga sugayo ayuu tilmaamay in ay ka shaqeyn doonaan Danaha iyo Baahida Bulshada si ay u hordhigaan Dowladda Federaalka, halkaasine lagu dhammeeyo wada hadalka iyada oo hannaan nabadeed loo marayo.

Xubno sar sare oo katirsan Ururka ONLF ayaa dib ugu laabtay Itoobiya oo muddo dheer ay ka maqnaayeen, arrintaan waxa ay ka dhalatay kadib markii Wada hadal ay ku yeesheen Magaalada Asmara Xarunta Eretareeya.

Waxaana lagu go’aamiyay in lagu dhameystiro gudaha Itoobiya, socdaalkooda Jigjiga waxaa kasii horeeyay safar ay ku tageen Magaalada Addis Ababa oo Muddo dheer ugu dambeysay.