Faafaahin Qarax Xalay ka dhacay Buuhoodle (Sawirro)

Wararka Maanta

Faafaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax xalay ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, Wiil dhalinyaro ah oo isku soo xiray Suun walxaha Qaraxa aaya beegsaday gaari NOAH ah oo ay wateen dad masuuliyiin ah.

Ilaa 3 qof oo ay ka mid yihiin Wasiirki hore ee arrimaha gudaha maamulka khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Maxamed Cali oo la taliye u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen qaraxan.

Wasiirki hore ee arrimaha gudaha maamulka khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal

Cabdifataax Maxamed Cali ayaa horey usoo noqday Madaxii Maaliyadda ururkii Xisbul islaam, waxa uuna 2013kii isaga iyo Xasan Daahir Aweys ka soo baxsadeen Alshabaab, Waa Qarixii ugu horeeyey ee ka dhacay Magaalada Buuhoodle.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn Masjidka Jaamaca ee Buuhoodle. Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah meel aad u mashquul badan ayaa waxaa lagu arkay Qeybta sare ee ninka Qaraxa fuliyey, oo u muuqday nin dhalinyaro ah.

Buuhoodle waxaa sheegta in ay maamulaan  Khaatuma, Puntland iyo Somaliland, iyada oo ilaa hadda aanay jirin cid si sax ah gacanta ugu heysa. Sidoo kale Magaaladan ayaa ku taala xad beenaadka itoobiya.

Tagged