Agaasimayaasha Wakaaladaha Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh Alcadaala iyo tan Dalka Bakistan ee Pakistan Press International (PPI) Owais Aslam Ali ayaa ku kala saxiixday heshiis Xaruunta shirarka ee Xaydar Aliyev ee Magaalada Baku ee Wadanka Azerbejan.
Hesheeskaasi ayaa waxa uu dhigayaa in ay labada Wakaaladood ay yeeshaan xiriir toos ah oo ku saabsan is dhaafsiga Wararka Warbixinada, sawirada iyo khibradaha Warfaafineed ee ka dhaxeeya labada Dal.
Heshiiska ay wada gaareen labada Wakaaladood ayaa waxaa kaloo ku jira in Wakaaladda SONNA warkeeda iyo sawiradeeda la gaarsiin doono in ka badan 300 oo Wakaaladood iyo Warbaahino kale oo aduunka ah, maadama ay Wakaaladda PPI ay heshiis wax wada qeybsi la leedahay Wakaaladahaasi.
Heshiiskaasi ay kala saxiixdeen Labada Wakaaladood ayaa ah mid taariikhi ah, islmarkaana wax ka taraya isdhaafsiga Wararka, Sawirada iyo khibradaha, waxaana goob joog ka ahaa Madax Qeybta Carabiga ee Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Cumar Faarax (Karaami) iyo Madax kale oo ka tirsan Wakaaladda PPI ee Dalka Pakistaan.
ISha: Sonna
Comments are closed.