UNICEF “5.2 Million oo caruur ah ayay cunto la’aan heysaa”

Wararka Maanta

Hay’ada Qaramada Midoobey dhinaca caruurta u qaabilsan ee UNICEF ayaa sheegtay cunto la’aan tii ugu darneyd in ay wajahayaan caruurta ku nool dalalka Nigeria, Somalia, South Sudan iyo Yemen.

Waxa ay sheegtay UNICEF caruur tiro ahaan lagu qiyaasay 5.2 in ay hada wajahayaan nafaqo-xumo, gaajo, harraad iyo cudurro, loona baahan yahay in si deg deg ah wax loogu qabto, si ay u badbaadaan.

UNICEF waxay kaloo sheegtay in sanadkii tagay ay xalisay dhibaatada cunta yarida haysata Caruurta Soomaaliyeed 88%, balse bilawgii sanadkan ay sii korartay dhibatadaasi.

“Waxaa xaalad halis ah oo cunto la’aan ah wajahaya caruurta ku nool Nigeria, Somalia, South Sudan iyo Yemen, inaga wixii karaankeena waan la garab taaganahay, wadamada caalamka iyaguna waxaan ugu baaqeynaa in ay dadaal ku bixiyaan sidii loo badbaadin lahaa caruurtaasi “. Ayuu yiri sarkaal u hadlay Qaramada Midoobay.

Dhan kale Hay’ada Qaramada Midoobey dhinaca caruurta u qaabilsan ee UNICEF ayaa si gaar ah u sheegtay in dalka Soomaaliya uu qeyb ka yahay wadamada inta badan Tacadiyada loogu geysto dadka laga tirada badan yahay oo ay ka mid yihiin Haweenka iyo Caruurta.