Daawo Sawirada: Sida Muqdisho loogu soo dhaweeyey Madaxweyne C/kariim Guuleed

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho oo uu ka socdo shirka Madasha Hoggaanka Qaran, Madaxweynaha ayaa dalka India lagula sameeyey qaliin fudud oo dhinaca wadnaha ah.

Madaxweyne Guuleed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahad celiyey masuuliyiinta uu horkacayey ra’iisul wasaaraha ee soo dhaweeyey, isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay.

Dhanka kale waxaa Madaxweynaha Soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyey Hotel SYL ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugnaayeen Madaxweyne ku xigeenka, wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa in uu qeyb ka noqdo madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee u fadhiya Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho,.

 

13907158_10205664139041571_7493161778329406106_n13906677_10205664139761589_1476918145697250278_n13912629_10205664140561609_6688019698972273959_n 13895091_10205664133881442_4408966467677525635_n13901337_10205664138641561_395214150103881295_n13920975_10205664135921493_7188996173240071032_n13873061_10205664134281452_2609867464865716371_n 13882496_10205664134841466_9048164353394156750_n

Comments are closed.