Daawo: Musharixii 1aad Madaxweynaha Galmudug 2019

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Birmingham ee dalka UK waxaa xalay lagu qabtay xaflad si heersare loo soo agaasimay, munaasabadaas oo aqoon yahan Abuukaate Cabdullaahi Faarax Qaarey kaga dhawaaqay inuu u taagan yahay qabashada kursiga Madaxweynaha Galmudug 2019.

Madasha ayaa waxaa kasoo qeybgalay qeybaha bulshada Soomaali iyo Ajnabi, Musharax Abuukaate Qaarey ayaa noqonaya musharixii ugu horeeyey shaaciya inuu u taagan yahay kursiga Madaxweynaha Galmudug doorashada la filayo inay Galmudug ka dhacay July 2019.

Abuukaate Abdullahi waa sharci yaqaan doonaya inuu qabto kursiga ugu sareeya Galmudug, Waxaana la filayaa in munaasabado kale oo lagu taageerayo ka dhacaan gudaha dalka iyo dibadiisa.

Hoos ka daawo Khudbada Musharaxa