Maamulka Gobolka Benaadir oo soo saaray digniin wax looga qabanayo Amniga Muqdisho

Wararka Maanta

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray digniin ka dhan ah kooxaha burcada ah ee dhaca ka geysta magaalada, waxaana Maamulka ku hanjabay inuu ula dagaalamayo sida Al-Shabaab oo kale.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay tallaabo ka qaadi doonaan waxa uu ugu yeeray Tuugo nacas, oo dhac u geysta haweenka iyo dadka rayidka ah.

“Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu tallaabo ka qaadayaa tuugo nacaska ee bastooladaha iyo qoriga wata ee haweenka iyo dadka kale kaga furta Mobile-lada iyo wax alla wixii ay wataan, kuwaas waxaa loola dagaalamayaa sidii Al-Shabaab”ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi uu amar ku bixiyay in kooxaha caadeysta dhaca laga qaado tallaabo adag.

“Kooxahaas tuugo nacaska waxaa loola dagaalamayaa sidii Al-Shabaab, maamulana tallaabo ayuu ka qaadayaa”ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan ayaa la soo sheegayaa in xaafadaha qaar ee Muqdisho ay xilliyada qaar ka geystaan dhac, waxaana ay dadka ka furanayaan Mobile iyo alaabaha kale ay wataan, waxaana dadka ku nool degmooyinka qaar ay arrintan ka keeneen cabasho xoog leh.