Daawo: Booqashadii Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee Gaaska Dhaan-karoone

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa shalay booqday Xerada Gaaska Dhaanka-roone ee duleedka Magaalada Galinsoor ee gobolka Galgaduud, Booqashadan ayaa waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehliyey Wasiiro iyo saraakiil ciidan.

Ujeedada Booqashada ayaa aheyd sidii Madaxweyne ku xigeenku u dhiiri galin lahaa ciidankan xeradan ku sugan oo ah kuwii ugu horeeyey ee halkaas saldhigta kadib burburkii Dowladii Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa xoolo nool ugu deeqay Ciidanka si loogu qalo, waxaan ciidanka la filayaa in dhawaan ku soo biiraan ciidamo kale, Gaaska Dhaanka roone ayaa ka mid ahaa Saddexdii Gaas ee qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Qeybta 21-aad ayaa hadda dib u soo kabanaysa, iyadoo ay ciidanka ka muuqato diyaargarow, inkastoo qalabka iyo saanadu ay ku yar yihiin, Ciidanka ayaa dhawaan loo qeybiyey dareys ciidan, waxaana dhawaan loo bilaabi doonaa tababar dheeraad ah, si loo kordhiyo xirfadooda.

hadaba Ceelhuur Online ayaa idinkaga diyaarisay Muuqaalkan booqashadii Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Tagged

Comments are closed.