Villa Somalia oo war kasoo saartay Safarka Muuse Biixi ee Itoobiya

Wararka Maanta

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa War ay soo saartay ku bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhow yeeshaan.

Warka Madaxtooyada Somalia baahisay ayaa lagu yiri: “Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Muuse, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar..”

Dhinaca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhiirrigelineyso dadaalka uu wado Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo sida warka lagu sheegay muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya & Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Warka kasoo baxay Madaxtooyada Somalia ayaa ka danbbeeyay wadahadal magaalada Addis ababa ku dhex maray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland.

Ma cadda in Muuse Biixi uu diyaar u yahay la shaqeynta dhow oo ay yeeshaan dowladda Federaalka Soomaaliya, marka laga reebo war kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo lagu sheegay inuu Muuse Biixi aqbalay baaqii Abiy Ahmed ee ku saabsanaa inay wadashaqeyn yeeshaan Somaliland iyo dowladda Federaalka Somalia.

Muuse Biixi aya dhinaciisa ku gaabsaday inay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo danaha ka dhaxeeya.