Daahir Xaaji Geelle oo kamid ahaa Baarlamaanka cusub oo Garoowe ku geeriyooday

Wararka Maanta

Allaha u naxariistee waxaa Xalay xilli danbe Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland ku geeriyooday Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle Faarax oo kamid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ee cusub, isagoo horeyna u soo ahaan jiray Xildhibaan iyo xubin ka mid ah Guddiga Baarlamanka Soomaaliya u qaabbilsan Jaamacadda Carabta.

dahir-1

Marxuum, Daahir Xaaji Gelle Faarax, ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu Doortay Dhowaan Magaalada madax maamul Gobolleedka Puntland ee Garoowe.

Geerida Xildhibaanka ayaa ahayd kedis, waxaana la sheegay in Dadka uu kula caweeynayay Xalay Fiidkii Hoteelka uu ka deggen yahay Garoowe, hasa yeeshee uu ka sheeganayay Wadnaha.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Daahir Xaaji Gelle Faarax ayaa lagu wadaa in Maanta aas qaran loogu sameeyo isla Magaalada Garoowe.

Xigasho: SONNA

Comments are closed.