Maraykanka oo ku eedeyey C/kariin Guuleed inuusan waxba ka qaban Musuq ka jira Doorashada Cadaado ka socota (Cadeyn)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Warqad kasoo baxday Safaarada Marayku ku leeyahay dalkeena Soomaaliya ayaa lagu canaantay Madaxweynaha Galmudug inuusan waxba ka qaban Musuq baahsan oo ka jira doorashada ka socota Magaalada Cadaado.

Guuleed ayaa laga codsaday inuu talaabo qaado, uuna wax ka qabto in kuraasta hartay si cadaalad loo doorto, warqadan oo ku taariikheysan 18 bishan ayaa waxaa ku qoran dhowr dhacdo oo xadgudub ku ah xeerka doorashada.

Maraykanka ayaa cadeeyey in doorashada Cadaado ka musuq badan tahay xarumaha kale, wax ayna intaa ku dareen in ay soo gaarayaan cabashooyin farabadan, waxaana ka mid dhacdooyinka xadgudubka ah:

  1. Taliyaha NISA Cabdullaahi Gaafow Maxamuud inuu ciidan farabadan la tagay Cadaado, isagoo awood u isticmaalay ergada, qaarkoodna uu u caga jugleeyey, halka uu xiray Nabadoon Xasan Madoobe, iyo Musharax Maxamed Guurre jirdilna ku sameeyey, Gaafow ayaa sidaas u sameynayey si walaalkiis C/qaadir Gaafow Maxamuud loo doorto.
  2. Musharax Mahad Salaad oo ah wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si sharci darro ah u badalay liis ergada beesha Ceyr, isagoo ku badalay qaraabadiisa iyo shaqaalihiisa gaarka ah, sidoo kale gabadh la tartamaysay Mahad Salaad ayaa loo diiday in ay gasho xarunta doorashada.
  3. Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax ugaaska beesha Saleebaan oo kursi ka mid ah kuraasta beesha u calaamadiyey in ay gabdho kaliya ku tartamaan ayaa arintaas waxaa ka horyimid guddiga doorashada.
  4. Sidoo kale xubno ku fikir ah Ahlu sunno waljamaaca oo horey looga horjoogsaday Aqalka sare ayaa hadana la kulmaya caqabado inay u tartamaan aqalka hoose.

Warqadan oo xambaarsaneyd macluumaad badan ayaa lagu eedeeyey xubno ka tirsan guddiga doorashada ayaa qeyb weyn ku leeyihiin musuqa socda, halka madaxda maamulku ay iska indha tirayaan.

Maraykan ayaa madaxweynaha Galmudug C/kariin ka dalbaday inuu wax ka badalo sida wax u socdaan, kuraasta harsana si cadaalad ah loo doorto.

Halkaan ka aqriso warqada oo ingiriis ku qoran

fb_img_1479677400058-1

fb_img_1479701042819-1

 

Comments are closed.