Wararkii ugu dambeeyey khilaafka Madaxda Galmudug oo meelsare gaaray.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

khilaafka Madaxda Sare ee dowalad goboleedka Galmudug ayaa gaaray meel sare, waxaana wali deegaanka ka maqan Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal ayaa ku sugan Cadaado caasimadda kumeelgaarka ah Galmudug.

Khilaafka Madaxda sare Galmudug ayaa waxaa lug ku leh dowladda federaalka ah, sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa ka cabsi qaba in sidii Cali Cosoble la afgambiyo, taas oo keentay in Maanta ciidamada NISA ee ilaaliya Madaxtooyada ay Xildhibaanada ka horjoogsadeen in ay galaan xarunta ay Barlamaanku ku shiraan ee ku dhextaal Madaxtooyada. ciidamada ayaa xildhibaanada oo maanta lahaa shirkooda caadiga ah u sheegay in agaasimaha Madaxtooyada amar ku siiyey in aysan deyn karin xildhibaanada. taas oo keentay in xildhibaanadu ka caroodaan.

Xildhibaanada qaar oo aan la xariirnay ayaa inoo xaqiijiyey ajendaha maanta looga hadli lahaa shirkoodu ahaa garsoorka iyo dhaarinta wasiir dib laga magacaabay, iyagoo ay yaab ku noqotay in laga horjoogsado shirkooda caadiga, xildhibaanada ayaa intaa ku daray in dib loo dhigay ajendaha ka doodista aragtida Madaxweynaha ee la safashada isbaheysiga sucuudiga ilaa Madaxweynuhu yimaado.

Dhanka kale dhabta taala Cadaado ayaa ah in xildhibaanadu ay hadda aragti ahaan u kala jaban yihiin saddex kooxood:

1- koox taageersan Maxamed Xaashi iyo Cali Gacal, xildhibaanadaas ayaa u badan kuwo u abaabulan  hab beeleed.

2- Koox taageersan Xaaf,   xildhibaanadaas ayaa u badan kuwo u abaabulan  hab beeleed.

3. koox taageersan in Barlamaanku ka madaxbanaanado khilaafka Madaxda, ayna howshooda sharciga ah qabsadaan, iyagoo aaminsan in Madaxweynaha  barlamaanka horyimaado lana weydiiyo sababta uu u taageeray isbaheysiga sucuudiga.

Sidoo kale Banaanbax ay soo abaabuleen Maamulka degmada Cadaado oo lagu taageerayey go’aanka Madaxweyne Xaaf ayaa ka dhacay Cadaado, waxaana dadkii kasoo qeybgalay muujiyeen in ay garab taagan yihiin Madaxweynaha.

Banaanbax sidan oo kale ah ayaa shalay ka dhacay koofurta Galkacyo, waxaana sidoo kale la filayaa in Banaanbax kale ka dhaco Magaalo xeebeedka Hobyo.

Dhanka kale Siyaasiyiin isugu jira xildhibaano iyo wasiiro federaalka ayaa wada dadaal ay xilka kaga tuurayaan Madaxweyne Xaaf, waxaana siyaasiyiintaan horboodaya Xildhibaan Mustaf dhuxulow iyo wasiir Axmed qoor qoor. siyaasiyiintaan ayaa la filayaa in dhawaan gaaraan Cadaado, iyagoo halkaas ka sii wadi doonaan olaha looga soo horjeedo Xaaf.

Sidoo kale ila xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in olalaha looga soo horjeedo Madaxweyne Xaaf uu hormuud ka yahay Fahad Yaasiin, isagoo dadaal ugu jira sidii arintaan looga mira dhalin lahaa.

Gabagabadii dadka siyaasadda odorasa ayaa sheegaya in sinaba aysan Xaaf iyo Xaashi u sii wada joogi doonin Madaxtooyada Cadaado, iyadoo ay noqon doonta ninkii roon ( dhaqaale haysta) ayaa reerka u hari doona.