Cilmi Baaris: dhererka farahaaga iyo shakhsiyaddaada

Arimaha Bulshada Caafimaadka Wararka Maanta

Cilmi Baaris: dhererka farahaaga iyo shakhsiyaddaada

fb_img_1483251867459

Shabakadda “The healthguide” ayaa soo bandhigtay macluumaatkan ka turjumaya xiriirka ka dhexeeya faraha qofka iyo shakhsiyaddiisa.

Haddaba sida ka muuqatta sawirka waxay shakhsiyadda ku saleeyeen dhowekaan siffo.

A. Mid Soo jiidasho leh ( Charming one)

Waa qofka farta faraatigu ay ka dheertahay farta suulka xigta. Dadka sifadaan leh ayaa lagu tilmaamaa dad karti badan kana hadla xaaladda ay ku jiraan markasta si aan gabasho lahayn. Inkastoo ay mararka qaar gardarro badan yihiin hadana waxay ku fiican yihiin xallinta khilaafaadka.

sidoo kale waa naxariis badan yihiin badanaa waxay noqodaan Saynisyahyan, Askari ama Ingineer

B. Mid Kalsooni leh(Confidence one) :

Kuwa farta farraatigu ka gaabantahay farta suulka xigta waxay naftooda aaminsanyihiin in badan si degan bayna u gutaan hawshooda.

Waxay ku qancaan heerka noloshooda waana kuwo u nugul ku adkaanta hadafkooda iyo ka mira dhalintiisa.

C. Mid Nabadoon ah (Peacefull one)

Waa kuwa farta farraatigu dherer le egtahay tan suulka xigta waxay aad uga fogaadaan carqaladaha iyo jaahwareerka.

Waa kuwo aaminaad leh oo daryeel wanaagsan hadana qof kasta isma fahmaan.

Hadaba ka fiiri midka aad tahay.

Xigasho Abaadir Cabdulqaadir Cilmi