Degmada Guriceel gobolka Galgaduud ayaa maanta Ciidanka Amniga waxay gacanta ku dhigeen nin la sheegay inuu sitay walxaha qarxa, ninkan ayaa doonayey inuu isku qarxiyo Madax iyo shacab ku sugnaa Barxadda Quraca Shinbiro Oonshe ee degmada Guriceel, halkaas oo lagu xusayey saraakiishii iyo Askartii Ahlu sunna ee ku geeriyootay dagaalkii ay la galeen Alshabaab. Goobta munaasabadda ayaa waxaa ku sugnaa Macalin Maxmuud, Sheekh Shaakir iyo Sheekh Ashcari, oo ah hoggaanka ugu sareeya Ahlu Sunna Waljamaaca.
Ninkan ismaadimiyaha ahaa ayaa la sheegay inuu ka fashilmay qarax, waxaana xiligii uu qaraxu ka fashilmay isku duubay askari ka tirsan ciidanka Ahlu sunna, oo ka mid ahaa ilaalada munaasabadda. xilliga qaraxa fashilmayey ayey masuuliyiinta munaasabadda ka qeybgalay isku diyaariyanayeen in ay raacaan gawaarida, isagoo naftii haligu doonayey inuu ka faa’iideysto buuqa iyo dhaqdhaqaaqa goobta ka jiray xiligaas.
Ciidamada Amniga ayaa ninkaan ka furfuray walxii qaraxa ee ku xirnaa, waxaana ay geeyeen saldhiga Guriceel, ilo xog-ogaal ah ayaa ceelhuur.com u xaqiijiyey in ninkan la qabtay uu kasoo jeedo maamulka Koofur Galbeed, muddo isbuuc ah uu ku sugnaa Guriceel.
Ninkas ayaa la sheegay inuu muddo ka tirsanaa ururka Alshabaab, kana yimid degmada Jilib ee gobolka Jubadda Hoose, kadibna usoo gudbay degmada Ceelbuur gobolka Galgaduud. Ciidanka Ahlu sunna ayaa wada wareysiyo iyo baaritaano ay ku ogaanayaan cidii ninkaan la maleegtay weerarkan.