Ciidamada Maraykanka oo 7 Sano sii joogaya Soomaaliya

Wararka Maanta

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in howlgalka ciidamadooda ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya uu sii qaadan karo muddo 7 sano ah, iyadoo howlgalku si rasmi ah u soo afjarmayo sanadkan 2026ka.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixday wareegto waqtiga loogu kordhinayo howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana ay howlgaladan isugu jiraan kuwo cirka ah iyo waliba tababaro saraakiisha Mareykanku siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa bilihii ugu danbeeyayba xoojiyay weerarrada cirka ah ee ka dhanka ah xoogagga ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya iyadoo waaxda arrimaha dibada Mareykanku sheegtay in weerarro cirka ah oo laga fuliyay Soomaaliya sanadkan 2019ka lagu dilay 255 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Weerarradii ugu danbeeyay ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada dhexe, gaar ahaan degmada Jilib oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay Shabaabku leeyihiin.

Laakiin marka dhinaca kale la eego ciidamada ka jooga Soomaaliya Mareykanka ayaa qiyaastii tiro ahaan ka badneyn ilaa 500 oo askari kuwaa oo tababaro iyo talooyinba siiya ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa lagu magacaabo Danab oo marmarka qaar ka barbar dagaalama kuwa Mareykanka.