Dhageyso: Fahad Yaasiin oo u hanjabay Xildhibaan Su’aal Weydiiyey

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Sii-hayaha Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin ayaa ka carooday su’aallo shaqsi ah oo kulankii baarlamanka ee maanta uu ku weydiiyey Xildhibaan Zakariye Gaashaan.

Su’aasha xildhibaan Zakariye ayaa la xiriirtay xil ka qaadistii lagu sameeyey taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla iyo eedeymaha Fahad loo jeediyo oo ah inuu xariir la leeyahay ururka Alshabaab.

Fahad ayaa ku jawaabay in su’aalaha noocan ah ay qalad iyo gef ku yihiin magaca hay’adda qaranka ee NISA, wuxuuna ka dalbaday guddoonka inuu xildhibaanka raalli gelin ka bixiyo, haddii kale uu qaadanayo xaqa qaanuuniga ah uu leeyahay.

“Aad ayey ii dhibaysaa in nin xildhibaan ah uu hadalkan ku hadlay, oo xitaa qof kale uu kasoo xigtay oo aysan ahayn wax uu isaga baaritaan ku sameeyey” ayuu yiri Fahad.

Waxa uu sheegay in su’aasha xildhibaan Zakariye ay xurmo darro ku tahay hay’adda nabad-sugidda, islamarkaana golaha baarlamanka uusan u qalmin in su’aal noocan oo kale ah la isku dhex-weydiiyo.

Sidoo kale fahad ayaa ahaa ninka su’aalaha ugu badan la weydiiyey, waxaana lagu eedeynayaa inuu isagu ka dambeeyey in saxaafadda dibadjoog ka noqoto kulanka Barlamaanka Maanta.