Abwaan Baarleex Oo Loo Qaaday Caafimaad Dibadda Ah (Sawirro)

Wararka Maanta

Abwaan Cabdullaahi Xirsi Baarleex ayaa saakay loo qaaday dalka Turkiga si looga soo daweeyo xanuun dhanka wadnaha ka hayay mudooyinkii ugu dambeeyay.

Abwaanka oo katirsanaa hal abuurkii qaranka Soomaaliyeed ee aadka u soo caan baxay sanadihii todobaatatanaadkii ayaa isaga oo aad u xanuunsan waxaa laga keenay magaalada Hargeysa ee xarunta gobalka Waqooyi Galbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya MD Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa bixiyay kharashka Ku baxaya dhamaan adeegyada caafimaad ee bukaanka Abwaan Cabdullaahi Xersi Baarleex waxaana saakay loo duuliyay Wadanka turkiga si loogu soo daweeyo isagoo horayna ay u sii raaceen xubno ka tirsan qoyskiisa

Abwaan Cabdullaahi Xirsi baarleex ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo Gacanta gargaar ee uu siiyay wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney usoo duceeyaan.