Taliyihii Booliska G. Banaadir oo geeriyooday

Wararka Maanta

Allah ha u naxariisto Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir S/Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) ayaa ku shahiiday hawlgalka cadowga argagixisada ee diinta ku qaraabaneysa looga sifeynayo dalka

Ilaahay ha unaxariistee waxaa ku shahiiday howlgal lagula dagaalamayay khawaarijta saakay 11:30 am S/Guuto Shahiid Farxaan Maxamuud Aadan (Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ee CBS), Howlgalka ayaa Ciidama Amaanku uga sifeynayaleen Argagixisada xuduuda deegaan ee Gobolada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha hoose.

Waxaan ilaahay u weydiinaynaa naxariistisii jano sareeyaha iyo shuhaadadii la geeriyootay, sidoo kalana inta ku dhaawacantay ilaahay ha u booga dhayo.

Argagixisada naf la caariga ahi, marnaba nagama weecindoonto hadafkeena ah xaqiijinta Amaanka Dalka iyo ciribtirka Argagaxisada.

Wa bilaahi towfiiq.

G/le Sadiiq Duudishe.
Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed