Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Tiyeeglow

Wararka Maanta

ciidamo

Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Koofur Galbeed ayaa dib ula wareegay deegaanka tiyeeglow ee gobalka Bakool, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya..

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa Tiyeeglow ay isaga baxeen, kaddib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed ay ku soo dhowaadeen magaalada

Xildhibaan Ibraahim Xasan Buulle ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed oo is kaashanaya ay la wareegeen Tiyeeglow, isagoo xusay in xalay Al-Shabaab isaga baxeen.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ay horay u soo qabsadeen deegaanka Ceel Garas, haatan uu qorshahooda yahay inay nadiifiyaan Tiyeeglow oo ay guri guri baaritaan ugu sameeyaan.

Al-Shabaab ayaa dhibaato badan ku haaya shacabka ku nool deegaanada ay wali xooga ku haystaan, iyadoo ciidamada xooga dalka ay qorshaynayaan in Al-Shabaab laga saaro dhamaan deegaanada ay ku harsanyihiin.

Xigasho: Sonna

Comments are closed.