Cabdi Shire iyo Duniyo Maxamed oo kusoo baxay doorashadii maanta Cadaado ka dhacday (Sawirro)

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa galabta magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ee dowlad goboleedka Galmudug ka dhacday doorashada xubnaha aqalka hoose oo ay kusoo baxeen xildhibaanada ka mid noqonaya aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Labo kursi oo kamid ah xubnaha aqalka Hoose ayaa lagu tartamayay maanta waxaana kursiga koowaad kusoo baxday Duniyo Maxamed Cali 44 cod oo gacantaag ah, kadib markii ay tanaasuashay haweeneydii la tartameysay.

Doorashada magaalada Cadaado oo xiiso gaar ah xambaarsaneyd ayaa waxaa lagu doortay xildhibaanada aqalka hoose kamid noqonaya, waxaana kursiga labaad ku guuleystay abwaan Cabdi Shire Jaamac “Ciyaar Jecel” oo helay 29 cod.

20161113_175614-1

 

20161113_17155120161113_161452-1

2 thoughts on “Cabdi Shire iyo Duniyo Maxamed oo kusoo baxay doorashadii maanta Cadaado ka dhacday (Sawirro)

Comments are closed.