Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii Bishan ayay Ciidamada Amniga ku soo xireen Horjooge kooxeed ka tirsan Amniyaatka Alshabaab, waxuuna ahaa horjooge koox shabaab ah oo qaabilsan Khaarijnta, sida lagu baahiyey wakaaladda SONNA.
Horjoogahan ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay abaabulka iyo hugaaminta Dilal badan oo loo gaystay Dad waxtar leh. Waa hawlgalkii sadexaad oo todobaadkaan gudihiisa talaabo looga qaaday ururka Alshabaab.
Alshabaab ayaa dilal qorsheysan ka geystay gudaha Magaalada Muqdisho, sidoo kale waxa ay qaraxyo ku dhajiyaan gawaarida dadka ay beegsanayaan.
Ciidamada ammaanka ayaa u caalwaayey hakinta falalka guracan oo ay geysanayaan Alshabaab, waxaana muddo sanad ku dhow aanan jirin Taliye NISA, lamana oga waxa ka hortaagan in Madaxda Qaranku Magacabaan Taliyaha NISA.