Ciidamada Amaanka oo hub kusoo qabtay D/waabari

Wararka Maanta

Ciidamada Xasilinta muqdisho ayaa maanta Howlgal ka sameeyay Degmada Waabari ee Gobalka Banaadir waxaana halkaasi lagu soo qabtay hub iyo rag la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Howlgalka ayaa ahaa mid qorsheysan waxaana lagu baaraayay Xaafadaha iyo gaadiidka waxaana saraakisha Amaanka ay sheegeen in ay guryo ku yaalla xaafadaasi.

Hubka la qabtay ayaa isugu jira rasaas miinooyin iyo Qalabka laga sameeyo qaraxyada iyo qalab kale waxaana laamaha Amaanka ay sheegeen in ay saxaafadda usoo bandhigi doonaan saacadaha soo aadan.

Sidoo kale laamaha Amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay haayaan rag lagu sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo lagu soo qabtay Howlgalkii Degmada Waabari ee Gobalka Banaadir.