Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa xilka ka qaaday Mas’uuliyiintii gobolka Hiiraan , isagoona Magacaabay Mas’uuliyiin cusub.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cumar Aadan ibraahim baadiyow oo ahaa duqa Magaalada Baladweyne.
Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda waxaa loo magacaabay Maslax Maxamed Cusmaan.
Gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda waxaa loo magacaabay Khaalid Bashiir Cali.
Xoghayaha gobolka Hiiraan waxaa loo magacaabay Cabdulle Nuur Guure.
Gudoomiyaha Magaalada Baledweyne waxaa loo magacaabay Aadan Maxamed Xeefow.
Duqa Magaalada Baledweyne waxaa loo magacaabay Cali dhuux Cali Mahad alle.