Wasiir Sabriye oo la kulmay Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug (Sawirro)

Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ka  mira dhalinta gogosha nabadeed ee laga fidiyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa maanta waxaa booqasho ugu yimid wasiirka arrimaha gudaha XFS, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa xukuumadda Galmudug, Sh. Maxamed Shaakir. Kulanka oo ka dhacay xarunta ay […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey Shirka Hobyo.

Shirweynaha Beelweynta Habargidir ayaa si habsami ah uga socda magaalo xeebeedka Hobyo, waxaana guddiyada beeluhu soo xusheen ka doodayaan qodobada isafgarad la doonayo in ay saxiixdaan Hoggaanka Dhaqanka Shirweynaha Habargidir. Beri oo Khamiis ah ayaa la filayaa in hoggaanka dhaqanka beeluhu saxiixaan isafgaradka. Dhanka kale Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Hogaamiyaha Xisbiga Wadahir ayaa maanta soo […]

Continue Reading

Akhriso: Magacyada Xildhibaanada cusub ee Jubbaland

Guddiga madaxa bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa goordhow ku dhawaaqay liiska magacyada xildhibaanada barlaamanka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Barlamaanka Jubbaland  ayaa ka kooban 75 Xildhibaan, waxaana guddigu ku dhawaaqeen 73 mudane, iyagoo dib nu dhigay magacaabista 2 kursi. Hadaba halkaan ka aqriso liiska Xildhibaanada cusub Barlamaanka Jubbaland.

Continue Reading

Nin Ajnabi ah oo lagu dilay Boosaaso

Nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Kenya ayaa maanta lagu dilay magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga. Ninkan ayaa ka shaqeynayey shirkadda kalluumaysiga Ocean, waxaana dilkiisa gaystay askari ka mid ahaa ilaalda shirkadda. Taliyaha booliska qeybta gobolka Bari ayaa warbaahinta u sheegay in la hayo ninkii dilka gaystay. “Ciidamadda Amniga ee Magaalada Boosaso […]

Continue Reading

Ciidamada Xoogga oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay deegaanka Shaam

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Howlgal Qorsheysan waxa ay ku qaadeen deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle. Weerarkan qorsheysan ayaa lagu qaaday Alshabaab sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odowaa. “Waxaan Howlgal Qorsheysan ku qaadnay deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle waxaana […]

Continue Reading