Canada oo Wiil Soomaaliyeed dib ugu soo celinaysa Soomaaliya

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Dowaladda Canada oo Soomaaliya dib ugu celineysa wiil Soomaaliyeed oo Canada ku nolaa tan 1994.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuda dadka soogalotiga ah ee Canada ayaa walaac ka muujinaya go’aanka ay dowladda Canada dib ugu celineyso Cabdullahi Cilmi oo la qorsheeyay in Soomaaliya dib loogu celiyo 21 bishaan.

Cabdullahi oo Sanadkii 1994 yimid dalka Canada isaga oo 10 sano jir ah ayaa noloshiisu soo martay marxalado kala duwanaa oo aad u adkaa sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahintu.

Cabdullahi oo muddo dhowr iyo labaatan sano ah aan lahayn wax baasaboor ah ayaa waaxda xudduudaha Canada (CBSA) waxaay baasaboorka dib loogu celinayo oo ah mid Soomaali ah ka soo sameeysay Safaarada Soomaaliya ee Washington.

Dowladda Canada ayaa rabta in Cabdullahi lageeyo magaaladda Kismaayo oo ah halka deegaanka u ah hooyadiis balse dadka u ololeeynaya inaan Cabdullahi dib loogucelin Soomaaliya ayaa ku deedaya in Kismaayo ay tahay halkii dhawaan lagu dilay Weriye Hodan Naleye oo ahayd Somali-Canadian.

Xigasho: CT+Somali