Wasiirka warfaafinta dalka Jabuuti oo booqasho rasmiya ku yimid Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta ee dowladda Jabuuti, Ridwaan C/laahi Bahdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho. Wafdiga uu horkacayo wasiirka warfaafinta dalka Jabuuti Bahdoon ayaa  waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaarada warfaafinta. Wasiir Bahdoon ayaa la […]

Continue Reading

Ciidamada millatariga Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay gobolke Gedo

Ciidamada Milatariga Soomaaliyeed ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland. Howlgalkan ayaa ciidamadu waxa ay ka fuliyeen deegaan u jira 50km magaalada Baardheere iyagoo halkaa ku diley dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab hub iyo xoolana ku soo furtay sida uu saxaafada u sheegay Taliyaha Ururka 49aad qeybta 43aad ee […]

Continue Reading

Isku shaandhayn markale lagu sameeyay taliyaasha saldhigyada ciidanka booliska G.Benaadir

Isku shaandheyn  cusub ayaa markale lagu sameeyay qaar ka mid ah taliyaasha ciidamada Booliska gobolka Banaadir. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa saraakiil u magacaaay xilal sare halka kuwa kalana xilalkii laga qaaday. Lataliyaha sare Taliyaha ciidanka booliiska  ayaa loo Magacaabay Cabdifitaax Mire oo hore u ahaa taliyaha Saldhigga Wilyow Cadde Yaasiin Nuur […]

Continue Reading

Ciidamada amaanka Dhuusamareeb oo howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay Khamri badan

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa lagu qabtay khamri badan oo halkaasi si sharci daro ah lagu geeyay magaaladaas in laga ganacsado.   Ciidamada amaanka ayaa gacanta kusoo dhigay khamriga iyo dadkii ka ganacsanayay, waxaana maanta khamrigaasi lagu soo bandhigay goob fagaare ah oo sidoo kale lagu bur buriyay. Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Booliska […]

Continue Reading

Qaybtii u horeysay ee masuuliyiintii ka qayb gashay caleema saarkii madaxwaynaha jubaland oo maanta Kismaayo ka dhoofaya

Iyadoo xalay xaflad sagootin ah loogu sameeyay magaalada Kismaayo wafuudii kala duwanaa ee ka qeyb gashay xafladii caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta waxaa la filayaa in qeybtii u horeysay ee wafuuda inay ka ambabaxaan Kismaayo.   Sida ay sheegayaan wararka wafuudan maanta ka baxeysa magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo; “14 Oktoobar waa maalin xasuus murugo u leh dadkeena Soomaaliyeed.”

14-ka Oktoobar waa maalin xasuus murugo u leh dadkeenna Soomaaliyeed. Waa maalin aan wayn ay boqollaal muwaadiniin ah oo uu taagnaa dib u dhiska iyo horumarka dalkeenna. Waa maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen boqolaal muwaadiniin ah oo ku hawlanaa nolol maalmoodkooda, ayna agoomeeyeen kumannaan carruur ah. Qof kasta oo Soomaaliyeed waa […]

Continue Reading

James Swan oo cambaareeyay weerarkii hoobiyaasha ahaa ee Xalane

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa cambaareeyay weerarkii hoobiyeyaashii ee shalay lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay iyo AMISOM ee ku yaal caasimadda Soomaaliya gaar ahaan xerada Xalane. “Waxaan aad ula yaabay ficilkan argagaxa leh ee lagula kacay shaqaalaheena, kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeeya arrimaha samafalka, dhismaha […]

Continue Reading

Guddoomiye ku xigeenkii Amniga gobolka Sh/dhexe oo lagu diley weerar bambaano

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa  sheegaya in weerar bambaano lagu qaaday guri uu ka degenaa magaalada guddoomiye ku xigeenkii arrimaha amniga gobolka shabeelaha dhexe  Muxumad Sugaal Cismaan.   Weerarkan ayaa waxaa ku dhintey Allaha unaxariistee Muxumad Sugaal Cismaan  oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii dhanka amniga maamulka gobolka Sh/dhexe iyo […]

Continue Reading

RW Khayre oo dhagax dhigay xarunta qaran ee Gurmadka deg dega ah

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax dhigay Xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah oo dabooleysa baahiyada deg-degga ah ee bulshada Soomaaliyeed iyo ka hor tagga musiibooyinka Dhismaha Xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah oo ku timid taladii ay xukuumadda siiyeen mawaadiniintii Soomaaliyeed ee ka shaqeeyay gurmadkii loo sameeyay dadkii […]

Continue Reading