Home > Wararka Maanta > Ciidamada amaanka Dhuusamareeb oo howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay Khamri badan

Ciidamada amaanka Dhuusamareeb oo howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay Khamri badan

Wararka Maanta

 

Ciidamada amaanka ayaa gacanta kusoo dhigay khamriga iyo dadkii ka ganacsanayay, waxaana maanta khamrigaasi lagu soo bandhigay goob fagaare ah oo sidoo kale lagu bur buriyay.

Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Booliska ayaa ka hadlay khamriga la qabtay waxayna ugaga digeen dadka kunool magaaladaas isticmaalka iyo ka ganacsiga khamriga oo diinteena xaaraan ka dhigtey.

Saddex ruux oo lagu soo qabtay khamriga ayaa saraakiisha Booliska iyo Nabadsugidu waxa ay sheegeen in maxkamad la soo taagi doono.

Magaalada Dhuusamareeb oo ay hore u maamulayeen ururka Ahlu Sunna ayaan loogaga baran Khamrada waxaana ay ku noqotay shacabka magaaladaas arrin yaab leh.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Boosaaso lagu qabtay khamro badan iyo dadkii watay.

Dadka kunool magaalada Dhuusomareeb ayaa aad u hadal haya khamrigan tirada badan ee maanta magaaladaasi lagu soo bandhigay, waxaana horey magaaladaasi ugu yaraa maandooriyaasha sida khamriga oo kale.