Home > Wararka Maanta > Qaybtii u horeysay ee masuuliyiintii ka qayb gashay caleema saarkii madaxwaynaha jubaland oo maanta Kismaayo ka dhoofaya

Qaybtii u horeysay ee masuuliyiintii ka qayb gashay caleema saarkii madaxwaynaha jubaland oo maanta Kismaayo ka dhoofaya

Wararka Maanta

 

Sida ay sheegayaan wararka wafuudan maanta ka baxeysa magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo dib ugu laabanaya magaalada Garowe.

Waxaa kaloo la filayaa in wafuuda kale ee ka yimid Muqdisho inay iyana maanta aadaan Muqdisho, hase ahaatee wafdiga ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ayaa sii joogaya.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Kismaayo ka socday shir wadatashi ay lahaayeen madaxda maamul goboleedyada, siyaasiyiinta iyo madaxdii hore, waxaana shirarkan looga hadlayay sidii isku aragti iyo hal mowqif looga qaadan lahaa xaalada dalka iyo halka uu ku socdo.

Inkastoo kulamadan aan weli wax war ah laga soo saarin, hadana waxaa lagu balamay kulamo kale in la isugu yimaado, isla markaana la qorsheynayo in kulan kale uu ka dhaco magaalada Garowe.