Dhuusamareeb:Ciidanka booliska oo kala eryay banaan baxayaal taagersanaa Ahlusuna

Wararka laga helayo Magalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta ay ka dhaceen banaanbaxyo iska soo horjeedo oo ay dhigayeen qeybaha kala dwuan ee bulsahda ku nool Magalada Dhuusamareeb, Banaanbayaasha ayaa u kala qeybsanaa kuwa taageeraya howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug gaar ahaan Magalada Dhuusamareeb iyo […]

Continue Reading

Dowladda oo soo bandhigtay Heshiiskii ay la gashay Ahlu Sunna (Video)

Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdi Maxamed Sabriye oo xalay dadweyne farabadan kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay 10 qodob oo ay horey ugu heshiiyeen Ahlu Sunna iyo Dowladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladdu dhankeeda ay fulisay qodobadii lagu heshiiyey, qaarna ay dhiman yihiin. Isagoo ku marqaati galiyey bulshada Dhuusamareeb in ay […]

Continue Reading

Ahlu Sunna oo ku Dhawaaqday inuu burburay Heshiiskii ay Dowladda la gashay

warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna ayaa lagu cadeeyey inuu burburay heshiiskii ay horey u galeen Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sheekh Shaakir ayaa ku eedeeyey in dowladdu ka baxday heshiis kadib markii ay ciidamo dheeraad ah ka keeneen Muqdisho. Sidoo kale ayaa faray […]

Continue Reading

Dhageyso: Khilaaf ka dhex Aloosan Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo ifbaxayey khilaaf ka dhex aloosan guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, khilaafkaas oo ragaadiyey howlihii loo igmaday. Guddigan oo ka koobnaa 12 xubnood ayaa waxaa saameyn ku yeeshay khilaaf ka dhex curtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna. Xoghayihii Guddiga CabdiKaafi Qaaf oo ka mid ahaa 3 xubnood oo Ahlu […]

Continue Reading

Qatar Oo Billaabaysa Mashruuca Dekadda Hobyo

Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa si wadajir ah maanta u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug. Munaasabadda oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku–xigeenka dalka, wasiirka arrimaha […]

Continue Reading

Ciidanka Danab oo Howlgal ka fuliyey deegaanka Camaara gobolka Mudug.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran Danab ee Qeybta 21aad Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saaka howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Camaara gobolka Mudug. Camaara ayaa 200 km bari uga beegan tahay degmada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug. Ciidankan Howlgalka fuliyey oo ka yimid Gaalkacyo ayaa aroortii hore ee saaka lagu arkay xaafadaha Camaara, goobjoogayaal ayaa inoo […]

Continue Reading

Xogta Shirka Dib u heshiisiinta Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug waxaa markii labaad dib u dhacay Shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo guddiga shirku horey u sheegeen inuu furmi doono 17 August 2019. Ergadii ugu horeysay ee ka qeybgalaysa shirkan ayaa Dhuusamareeb gaaray, iyadoo diyaarad kasoo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana Ergadan ka socdeen beelaha Duduble, Murusade iyo Saruur. […]

Continue Reading

Wasiir Sabriye oo la kulmay Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug (Sawirro)

Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ka  mira dhalinta gogosha nabadeed ee laga fidiyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa maanta waxaa booqasho ugu yimid wasiirka arrimaha gudaha XFS, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa xukuumadda Galmudug, Sh. Maxamed Shaakir. Kulanka oo ka dhacay xarunta ay […]

Continue Reading