Xogta Shirka Dib u heshiisiinta Dhuusamareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug waxaa markii labaad dib u dhacay Shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo guddiga shirku horey u sheegeen inuu furmi doono 17 August 2019.

Ergadii ugu horeysay ee ka qeybgalaysa shirkan ayaa Dhuusamareeb gaaray, iyadoo diyaarad kasoo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana Ergadan ka socdeen beelaha Duduble, Murusade iyo Saruur.

Dowladda Federaalka oo hormuud ka ah shirkan ayaa caqabado kala kulantay shirkan, waxaana ugu muhiimsan xogta Shirka Dhuusamareeb:

  1. Shirkan waxaa la qorsheeyey inay ka qeybgalaan 356 ergay oo ka socda 11 beelood, waxaana tiradan lagu saleeyey 89 xildhibaan ee Galmudug.

  2. Beesha caalamka oo la filayey inay dhaqaale iyo siyaasad ku taageerto gogoshan, ayaa kulan ay ku yeesheen Khamiistii 15 August 2019 xerada Xalane magaalada Muqdisho ku go’aamiyeen in muddo laba Todobaad ah dib loo dhigo gogosha Dhuusamareeb si waqti loo siiyo Shirka Hobyo uga socda beelweynta Habargidir.

  3. Dhanka ammaanka Dhuusamareeb waxaa sugaya ciidamo isku dhaf ah, inkastoo Dowladdu doonaysay in ciidamo ka keento Muqdisho qorshahaas oo aan u suurtagalin.

  4. Dowladda Federaalka ayaa isku dayeysa in si deg deg ah loo furo shirkan, iyadoo Dowladdu qorsheysay in Shirkan uu socdo waqti kooban, ceelhuur.com ayaa heshay Jadwalka Siminaar iyo wacgelin loo qabanayo ergada Shirkan ka qeybgalaysa, Jadwalkan ayaa ah 5 maalmood oo ergada la barayo muhiimadda dib u heshiisiinta.