Dhuusamareeb:Ciidanka booliska oo kala eryay banaan baxayaal taagersanaa Ahlusuna

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka laga helayo Magalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta ay ka dhaceen banaanbaxyo iska soo horjeedo oo ay dhigayeen qeybaha kala dwuan ee bulsahda ku nool Magalada Dhuusamareeb,

Banaanbayaasha ayaa u kala qeybsanaa kuwa taageeraya howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug gaar ahaan Magalada Dhuusamareeb iyo kuwa kasoo horjeeda,isla markaana taagersan Ahlusunna Wal-Jamaaca,iyaga oo watay Boorar ay ku qoran yihiin halkudhigyo kala duwan oo iska soo horjeeda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugan Magalada Dhuusamareeb ayaa lagu soo waramayaa inay kala eryeen dadka banaanbaxa dhigayay oo qaarkood ku dhawaaday inay rabshado sameeyeen maadaama ay ku wada sugan yihiin Magaalo yar.

Banaanbaxyadaan iska soo horjeeday ee Maanta ka dhacay Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli shalay Ahlusunna ay sheegtay in uu burburay heshiiskii ay la galeen Dowladda Federaalka,hayeeshee dowladda Soomaaliya ay sheegtay in dhankeeda aysan fulin weyn qodobadii lagu heshiiyay.