Cali Gacal’Shirka Jabuuti maaha mid lagu heshiinayo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wax laga waydiyay Shirka Maanta ka Furmay Dalka jabuuti ee u Dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu-suuna kaas oo ay garwadeen ka yihiin Dowladda Jabuuti Iyo Urur Goboleedka IGAD.

Cali gacal ayaa sheegay in sharkaasi uusan ahayn mid si Rasmi al lagoo dhamayn doono Khilaafka Maamulkiisa kala Dhaxeeya Ahlu-suuna balse uu yahay isbarasho iyo aqoon is waydaarsi labada dhinac ah ee ku aadan qaabka loo wajihi karo Xalinta Khilaafka siyaasadeed ee Galmudug iyo Ahlu-suuna Waljamaaca.waxa uu sheegay in kulaan uu lamid yahay kii Todobaadkii hore ka dhacay Kenya oo ahaa Workshop ama aqoon iswaydaarsi.

Mar la waydiiyay Mowqifkiisa ku aadan hadii go’aano lagu heshiiyaahi kasoo baxaan Jabuuti ayuu carabka ku adkeeyay inuusan aqbali doonin islamaarkana aysan ahayn wax uu wax ka ogyahay.Gudoomiye Gacal ayaa intaas ku daray inuu Shirkaan kala hadlay Ururka IGAD iyo Dowladda dhexe ee Sooomaaliya ayna u shegeen in Kulamada Jabuuti iyo Kenya yihiin isbarasho oo kaliya balse aysan Qodobo kama danbays ah kasoo bixi doonin si daa daraadeen hadii go’aano ¬†kasoo baxaan Shirka Maanta ka Furmay Jabuuti uusan Shaqo ku lahayn.

Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa imaanaya Xili ay Wadahadala Galmudug iyo Ahlu-suuna  goobjoog yihiin Madaxwayne Xaaf iyo Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi oo Muqdisho iska raaca.Siyaasad ahaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxwayne ku xigeenka ayaa iska ag dhawaan jiray waxaase hadda muuqanaysa is fahan ka dhex biloowday Xaaf iyo ku xigeenkiisa.