Caleemaasaarkii Madaxda Puntland (Sawirro)

Wararka Maanta

Munaasabadda caleemasaarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland ayaa xalay lagu qabtay magaalada Garoowe Caasimadda Puntland.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Gudoomiye ku xigeenka 2aad Golaha Shacabka Mahad Cabdalla, Madaxda Maamul goboleedyada, Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, Xildhibaano, Wasiiro, Salaadiin, fanaaniin iyo waxgarad kale.

Madaxda ka qeybgalay Madashan ayaa tilmaamay sida Soomaaliya ugu baahan tahay wadajir iyo isku tanaansul, waxayna Madaxda Federaalka ugu baaqeen in ay isku wadaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Dhanka kale Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

“Qarannimada waxa lagu gaari karaa iyada oo la helo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo wadashaqayn iyo waxqabad leh. Wadashaqayntu waa iyada oo la wada tashado, la isu tanaasulo, wax la wada qorshaysto, loona turo shacabka Soomaaliyeed. Waanu ognahay meesha uu khilaafku ina gaarsiiyey dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay.”

Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la wada dhowrayey khudbadiisa, ayaanan loo ogolaan inuu halkaas khudbad ka jeediyo, kadib markii Madaxda Puntland ka codsadeen inuusan khudbeyn iyagoo fulinaya dalab kaga yimid Villa Somalia.

Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa saaka quraac sharafeed u sameeyey Madaxdii ka qeybgalay munaasabadda, iyagoo kadibna yeeshay shir albaabadu u xiran yihiin, Mr. Deni ayaa isku dayaya isku soo dhaweyn Madaxda Federaalka iyo Madaxda kale ee kasoo horjeedda.