Alshabaab oo soo bandhigay gaari gaashaaman oo ay qabsadeen (Sawirro)

Wararka Maanta

Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay gaari kuwa gaashaaman oo ay lahaayeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, sida lagu baahiyay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab.

Gaadiidkan oo lahaa calaamada ciidanka xoogga dalka ayay Al-Shabaab sheegtay inay la wareegeen kaddib dagaal ay la galeen Ciidamada dowladda. ma cadda xilliga ay alshabaab qabsadeen gaarigaan gaashaaman, balse waxaa la qiyaasayaa in dhamaadkii sanadkii hore 2018 ay qabsadeen.

Sawirro laga soo qaaday gaarigan beebaha ah ayaa la arkayay, iyadoo ay saaran yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana marayay meelo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaadiidka Beebaha ayaa ka mid ahaa tiro gaadiidka gaashaaman oo horay loogu deeqay dowladda Federaalka, waxaana gaadiidkan uu ka mid ahaa kuwo ay isticmaalayeen Ciidanka xoogga dalka qeybta 14 October ee dhowaan la wareegay gacan ku heynta magaalada Marka.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay in 3 ka mid ah 5 qori ee lagu weeraray Hotelkii Nairobi ay lahaayeen ciidanka Dowladda Soomaaliya.