Cabdirisaaq Cali Cartan oo ah Soomaali ayaa Fuliyey Weerarkii Jaamacadda Ohio (Sawirkiisa)

Wararka Maanta

fb_img_1480391068612

Saraakiisha gobolka Ohio ayaa xaqiijiyay in nin Soomaali ah oo 20 sano jir ah, laguna magacaabo Cabdirisaaq Cali Cartan uu ka danbeeyay weerarkii Jaamacadda Ohio ee magaalada Columbus. Ninkan oo ardayda jaamacadda ka mid ahaa ayaa baabuur uu watay dadka jiidhsiiyay, kadibna dad midi ku weeraray. Ninkaasi ayaa dhaawacay 9 qof ka hor intii aan toogasho lagu dilin.

Arintaan ayaa walaac ku beertay Soomaalida degan gobolkaas, waxaana wali cadeyn sababta ku kaliftay falkaan wiilka Soomaaliga iyo ujeedada uu ka lahaa, balse waxaa socda baaritaanka ciidamada Ammaanku ku hayaan dhacdadaan.

Dhalinyaro Soomaali ah ayaa horey ugu biiray ururka Daacish, iyagoo dagaalo u aaday dalalka bariga dhexe.

 

Tagged

Comments are closed.