Caqabadihii hor yimid C/kariin Guuleed.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

12038895_1728240497403853_3265288293084752869_o-1

Caqabadihii hor yimid C/kariin Guuleed.

Hordhac

C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta iska casilay xilka madaxwaynanimo ee dawlad goboleedka Galmudug, xilkaas ka hor waxa uu laba mar wasiir ka soo noqday dawlada Federaalka Soomaaliya.

 

November 4, 2012: Xukuumadda Cabdi Farax Shirdoon ayaa C/kariin Xuseen Guuleed loo magacaabay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka. Xilkaas waxaa uu hayey 4 November 2012 – 17 January 2014

 

January 17, 2014: Wasiirka kowaad ee xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku dhawaaqay liiska Golaha Wasiirada ee xukuumadiisa, Wasiirka Amniga Qaranka waxaa loo magacaabay Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, xilkaas ayuu iska casilay May 24, 2014, ka dib markii uu soo wajahay cadaadis badan oo ah in mas’uuliyadiisa uu ka soo bixi waayay.

Aas aaskii Galmudug.

Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo maamuladii Ex Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo Ahlusunna ayaa muddo sanado ah waday dadaal maamul mid ah loogu samaynayo gobolda Galgaduud iyo Mudug, waxaana heshiiskii ugu horeeyay oo dhinacyadan ay saxiixeen lagu gaaray Mudisho July 30, 2014,  ka dibna waxaa lagu dhawaaqay gudi farsamo oo hawshaas horseed u noqda.

 

Nidaamka loo maray samaynta dawlad goboleedku waxa uu ahaa mid ka duwan dawlad goboleedyada kale ee dhawaan dhismay, waxaana la sameeyay, Dastuur Ergo ansixisay iyo xubno Baarlaman oo waxqaybsiga beelaha lagu saleeyay, waxaana ay doorteed Gudoon hoggaamiya.

Doorashadii Madaxwayne Guuleed.

4-tii July 2015 ayaa ayaa Cadaado loogu dooray C/kariin Xuseen Guuleed madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug oo markaa ahayd maamul cusub, isagoo doorashada kaga guulaystay ilaa 6-musharax oo ay ka mid ahaayeen Axmed C/salaam Xaaji Aaden,  Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdi Xassan Cawaale.

Guusha Guuleed waxaa jirtay laba aragti oo xilligaas laga qabay, kuwaas oo kala ahaa in madaxtooyada Soomaaliya aad u caawisay, balse uusan ahayn nin bulshada gobolada dhexe taqaan waxna ka qaban kara xaaladda, halka aragtida kalena ay ahayd inu dhawaanshaha Villa Soomaaliya ayba dan u tahay maamulkan cusub oo ay ka caawinayso taraanturooyin badan ooh or yaal inuu ka talaabsan karo.

Caqabadihii horyimid C/kariin Guuleed.

Markii la doortayba waxaa horyimid caqabado badan oo ay ka mid yihiin magacaabista wasiirada, xaaladda amni ee deegaanka xilli aysan jirin ciidan diyaarsan iyo arrimo kale oo badan.  Caqabadahaas waxaa ugu waawaynaa:

Maamulka oo bilow ahaa

Wax kasta waxay ahaayeen bilow oo ma jirin nidaam dawladeed oo shaqaynaya, taasna waxay caqabad wayn oo maamulkan cusub soo wajahday

Magacaabista wasiirada ayaa durba ku noqotay safar dheer, waxaana uu codsaday in Baarlaamanku u kordhiyaan waqtiga, waxaana uu wahadal la galay garab qunyar socod ahaa oo ka tirsan Ahlusunnna, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Sh Ibraahim Guureeye oo uuu magacaabay wasiirka waxbarashada iyo Cusmaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo uu isna u magacaabay wasiirka Amniga Galmudug.

Liiska golaha wasiirada Galmudug oo soo baxay August 28 2015-tii ayaa ka koobnaa 51-xubnood oo wasiiro, ku xigeeno iyo wasiir dawlayaal isugu jira.

Wasiiradaas la magacaabay ayaa badankood noqday magac u yaal aan lahayn xafiisyo ay ku shaqeeyaan, shaqaale iyo qorshe wasaaradeed, taas oo ay ugu wacantahay inaanu jirin dhaqaale ku talagal ah oo wasaaraduhu ku shaqeeyaan, balse waxaa jira wasaarado dhawr ah oo shaqeeya sida, Amniga, Waxbarashada, Maaliyadda, Gaadiidka cirka iyo dhulka, Dastuurka iyo dib u heshiisiinta.

Hagis la’aata wasaaradaha ayaa keentay in ay qaarkood is casilaan, waxaana shaqada ka tagay wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo wasiir dawlayaal, kuwaas oo ku qanci waayay inay magac kaliya iska haystaan ama la kulmay maamul xumo kale, waxaana ka mid ah xubnaha is casilay.

 

  1. Maxamed Cilmi Afrax, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga
  2. Cali saciid Cumar Ibraahim,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha
  3. Xuseen Qaasim Yuusuf Wasiirka Madaxtooyada
  4. Warsame Maxamed Xassan. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga
  5. Cawil Cabdullaahi Jaamac, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Awqaafla iyo Arrimaha Diinta
  6. Cabdisalaan lbraahim Faarax. Wasiir kuxigeenka wasaaradda Jaaliyadaha & Dhiiragelinta Maalgashiga
  7. Cabdifitaax Maxamuud Axmed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Bii’ada, Dhirta iyo Daaqa
  8. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo lskaashiga Caalamiga
  9. Cali Daahir Ciid, Wasiiru dowlaha wasaaradda Caafimaadka
  10. C/qaadir Maxamed Aadan(Cabdul) wasiir ku xigeenkii wasaarada Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

 

Maamul xumo

Hanaanka maamul ee Galmudug oo ah mid curdun ah ayaa hadana waxaa dhaawacay caqabadaha tirada badan ee ka hor yimid, waxaa la bixi waayay mushaaraadkii ciidamada la qoray, xubnaha Baarlamanka iyo wasiirada.

Nidaamka maaliyadeed ee maamulkuna ma ahayn mid daah furan, mana jirin wax xisaab xir ah oo loo soo celiyay Baarlamanka Galmudug 19-kii bilood ee maamulku shaqaynayay, sidoo kalena ma jirin Xisaabiye guud iyo Hanti dhawre shaqaynaya.

Sidoo kale wada shaqaynta hay’adaha maamulka oo aan xooganayn ayaa keentay in laga jawaabi waayo caqabadaha imaanaya oo amnigu ugu muhiimsan yahay, iyadoo adeeg bixintii maamulka laga rabay ay aad u yareed.

Arrinta kale ee caqabadda noqotay ayaa ah inaan la buuxin xilalka ay baneeyeen wasiiradaasi oo qaarkood ay ahaayeen kuwa ugu muhiimsan wasaaradaha.

Waxaa sii batay dabacsanaanta maamulka iyo kala aragti duwanaashaha muuqata ee hay’adaha maamulka, waxaana xubno ka mid ah Baarlamanka Galmudug oo Cadaado ku shiray 10-kii bisha 1-aad ee sanadkan ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen Mudane Guuleed, inkastoo isagu arrintaasi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.

Xaaladda caafimaad ee C/kariin Guuleed.

Bishi July ee sanadkii la soo dhaafay ayaa qaliin dhinaca wadnaha ah mudane C/kariin Xuseen Guuleed lagu sameeyay, ka dib markii 4-ka mid ah xididada dhiigga ee wadnaha ay si wanaagsan u shaqayn waayeen, qaliinkaas oo lagula sameeyay Asian institute of heart Mumbai India ayaa guulaystay, balse dareenka caafimaad wali waa sii jiray.

7-Bilood ka dib mar kale ayuu C/kariin ku laabtay India si baaritaan kale oo caafimaad loogu sameeyo, waxaana waqtiga badan ee safarada caafimaadka uga baxay iyo culayska maamul ee horyaal markii uu isu eegay maanta 25/02/2017 uu go’aansaday inuu iscasilo.

Mustaqbalka Galmudug

Marka laga soo  tago in madaxwaynihii  iscasilay, Galmudug waa maamul jira oo leh hay’ado Dastuuri ah, waxaaba muuqata in iscasilaadiisa ay ka muuqato turiinada maamulka, sababtoo ah waxaa meesha ka baxay is haysadkii madaxtooyada iyo Baarlamanka.

Dawladda cusub ee Soomaaliya ayaa u furan fursad ay maamulka Galmudug kula midayn karto Ahlusunna , ka hor inta aan la dooran madaxwaynaha 2-aad ee Galmudug, maadaama ka qayb galkii xafladii calaama saarka mudane Farmaajo ay yaraysay xasaasiyaddii ay ka qabeen dawladdii ka horaysay.

Sidoo kale tabashooyinka maamul ee hadda ka jira Galmudug ayay tahay in la xaliyo ka hor doorashada, taas oo wadada u xaaraysa amba qaadka hogaanka cusub.

W/Q: Maxamuud Cabdi Diirshe

E-mail: diirshe10@gmail.com