C/raxmaan C/Shakuur: Waxaa laga yaabaa inuu Madaxweynuhu ii dakaneeyey heshiiskii Kampala.

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo dagaal adag oo siyaasadeed ay isaga soo horjeedaan Hogaanka Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay inuusan jirin khilaaf shaqsiya oo uu og yahay inuu kala dhaxeeyo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Khilaaf shaqsiya oo aan anigu ogahay ma jiro” ayuu uga jawaabay su’aal arrintaas la xiriirta oo ay weydiisay warbaahin maxaliya (Daljir), oo la hadashay dadka Dowlad Goboleedka Puntland.

Hase ahaatee, waxa uu Cabdiraxmaan malo geliyey suuratagalnimada inuu jiro qoonsi ka soo bilowday Hishiiskii Kambaala (Kampala Accord) ee dalka Yugaandha, kaas oo uu Madaxweyne Farmaajo oo markaas ahaa Reysal Wsaaraha dalka isaga casilay xilkiisii Reysal Wasaaranimo.. “Dadkii Hishiiskii Kambaala ka mid ahaa ayaan ahay, oo lagu bixiyey Reysal Wasaaraha, markuu ahaa Farmaajo” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sababta uu Hishiiskii Kambaala uga mid ahaa isaga oo caddeynaya ayuu yiri Cabdiraxmaan “Waxaan u hadlaayana waxay ahayd inaan ka mid ahaa Guddi uu Baarlamaanka Soomaaliyeed soo saartay, oo shan qof ah, oo wada-hadalkii Kambaala qeyb ka noqday”. Waxa uu sheegay in, marka la fiiriyo bartilmaameedsiga Madaxweyne Farmaajo ee siyaasiyiintii hishiiskaas taageersaneyd, uu aar-goosi ku jiro, sida uu hadalka u dhigay.

“Maadaama uu la dagaalamy Guddoomiyihii Baarlamaanka (Waqtii Hishiiskii Kambaala), aniguna aan ahay ninkii labaad, waxaa laga yaabaa iney taas (darteed) aarsi ay maskaxdiisa ku jirto” ayuu yiri Cabdiraxmaan. “Dad badan ayaa waxay fasirayaan in dadkii uu ciil-ka u qabay oo dhan uu beegsanaayo” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Laakiin, waxaa Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, la su’aalay sababta aysan indhihiisu u qaban cid aan ahayn Madaxweyne Farmaajo, kaas oo uu la daba joogo dhaliil joogto ah. “Cidda masuulkaa waa cidda la doortay. Cidda lala xisaabtamayo waa cidda la doortay” ayuu weydiintaas uga jawaabay Cabdiraxmaan. “Ka hogaamiye xisbi mucaarad ahaana, qofka aan dhaliilayo waa asaga” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa siyaasi, sida ay dad badan rumeysan yihiin, ay dowladdu aad u dhibsato sida uu uga falceliyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, amni iyo bulsho ee hogaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintaas darteed waxaa ku dhaliila dad badan, hase ahaatee isagu dhag jalaq uma siiyo dadkaas. Waxa uu aaminsan yahay iney jiraan taageerayaal aragtidiisa la dhacsan.

Balse, Sida ay baahisay Warbaahinta Gudaha, waxaa 26-kii bishan, sida la sheegay, ay Dowlad Goboleedka Puntland uga reebtay Cabdiraxmaan hadal-jeedin la sheegay inuu uga qornaa Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Kuxigeenkiisa, si uusan dowladda iyo hogaankeeda u weerarin, taas oo ay dad badan ku dhaliileen Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), kuwana ay soodhaweeyeen, waana falkii ugu dambeeyey maahee, waxay DFS horay ugu isticmaashay awood xakameynta siyaasigaas.

Xigasho: Kalfadhi