Askar itoobiyaan ah oo lagu qabtay dagaalka Kaxandhaale

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Deegaanka Kaxandhaale ee ku yaala xadka Soomaaliya iyo Soomaali galbeed ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Dhabad iyo Galinsoor.

Dagaalkii dhacay 28/12/2018 ayaa waxaa kusoo biiray ciidan itoobiyaan ah, goobta dagaalku dhacay waa 12 km gudaha Soomaaliya sida ay inoo xaqiijyeen goobjoogayaal, waxaana ciidanka itoobiyaanku garab siinayaan mid ka mida ah maleeshiyo beeleedka.

Khasaaraha dagaalka ayaa gaaraya dhimashada 15 laba dhinac ah iyo Dhimashada 5 askari oo itoobiyaan ah. Sidoo kale dhaawaca ayaa 30  ka badan, galabta ayaa saldhiga Galinsoor waxaa la keenay 2 askari oo itoobiyaan ah kuwaas oo lagu soo qabtay dagaalkii Kaxandhaale.

Askartaan itoobiyaanka ah ayaa  loo diiday warbaahinta in ay muuqaalo ka qaado, waxaana albaabka saldhiga Galinsoor dhoobnaa dadweyne caraysan, gudaha saldhigga oo ay inoo suurtagashay inaan galno waxaan saraakiil ka socota ciidamada Dowladda Soomaaliya ay wareysanayeen maxaabiistan itoobiyaanka ah.

Askartan lasoo qabtay ayaa sheegay in muddo 3 bilood iyo 20 Maalmood ah ay ku sugnaayeen deegaanada Shilaabo, Dacdheer, iyagoo maalin ka hor yimid deegaanka Kaxandhaale, sida ay sheegeen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen Askartaan in ay ka tirsan yihiin Gaaska 36aad ee ciidanka itoobiya. waxaana Askartaan mid ka mid ah ka yimid gobolka Amxaarada, halka midka kale ka yimid tuulo u dhow caasimadda itoobiya Adis abeba.

Horey ayaa dadka deegaanku uga caban jireen in ciidanka itoobiya la safan yihiin qaar ka mid ah beelaha ku dagaalama xadka Soomaaliya iyo Soomaali Galbeed. Ilo xog-ogaal ayaa inoo xaqiijiyey in Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya codsatay in  lagu wareejiyo Maxaabiistan, inkastoo arintaan ka biyo diideen dadka deegaanka.