Buuq kataagan fadhi wadajir ah oo ay yeelan lahaayen labada gole ee baarlamaanka soomaaliya

Wararka Maanta

Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya fadhi wadajir ah oo ay uga doodayaan Miisaaniyadda sanadka 2020, sida lagu shaaciyay farriimo xalay loo diray Xildhibaanada labada Gole.

Guux ayaa ka taagan qabsoomida kulanka wadajirka ah ee Labada Gole ee Baarlamaanka, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ay dood ka keeneen kulanka wadajirka ah uu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn, isla markaana uu baalmarsan yahay Dastuurka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku dhaliilay Guddoonka Golaha inuu sharciga ku tumanayo, isla markaana kulanka wadajirka uu yahay mid aanu dastuurka qabin oo laga leeyahay dano kale.

Ilo ku dhow dhow Guddoonka labada Gole ayaa ku doodaya in waqtiga oo yar awgiis ay doonayaan in labada Gole wadajir uga doodaan Miisaaniyadda sanadka 2020, si loo ansixiyo, isla markaana horaanta sanadka 2020 loo howlgeliyo miisaaniyadda.

Heshiis is faham ah oo horay u dhex maray Guddoonka Labada Gole ayaa dhigayay in Miisaaniyadda ay wax ka ansixiyaan Golaha Aqalka Sare, iyadoo la xusuusto in khilaafkii ka dhex bilowday labada Gole uu sabab u ahaa ansixintii Miisaaniyadda sanadkan oo markii Golaha Shacabka ansixiyay aan loo gudbin Aqalka sare, sidaasna uu ku saxiixay Madaxweyne Farmaajo.