Booliska oo xiray Ninkii bixiyey Qishka Imtixaanka Dugsiga Sare

Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay gacanta kusoo dhigeen nin ay ku sheegeen inuu yahay qofkii sida khiyaanada ahayd u bixiyay macluumaadkii Imtixaanka dugsiga sare ee Soomaaliya.

Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, oo ah taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku sheegay in ay baaritaanno ku hayaan shakhsiga eedeysanaha ah ee lasoo qabtay.

“Waxaan rabaa inaan la wadaagno shacabka Soomaaliyeed, waalidiinta iyo ardaydii imtixaanaadka galeysayba in hoggaanka baarista dambiyada ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan Jamaaludiin Xasan Xirsi, oo 29 jir ah kana shaqeynayay wasaaradda waxbarashada, kaasoo lagu eedeynayo inuu bixiyay imtixaanaadkii loogu tala galay shahaadooyinka dugsiga sare. Baaritaankaasi waa bilow oo hadda wuu socdaa, wixii kasoo baxana waxaa loo gudbin doonaa maxkamadaha”.

Wuxuu taliyaha sheegay in cid walba oo arrintaas ku lug lahayd caddaaladda la hor geyn doono.

Ceelhuur.com ayaa ogaatay in Ninka la qabtay uu kormeere ka ahaa imtixaanaadka degmada Balanballe ee gobolka Galguduud.

Dawladda ayaa imtixaanaadka joojisay Isniintii waxayna sheegtay in dib loo qaadayo dhammaadka bishan May. Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada ayaa shalay bannanabax ka sameeyey magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya oo ay kaga soo horjeedaan imtixaanaadka la joojiyey.

Imtixaankii dugsiyada sare oo qeyb kamid ah la galay ayaa hakad la galiyay kadib markii ay soo baxday in warqadihii maadooyinka qaar lagu dhex faafiyay ardayda, waxaana waxba kama jiraan laga soo qaaday qeybtii horay loo galay.

Aragtidaada ka dhiibo