Biyo yari soo wajahday shacabka ku nool degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe

Wararka Maanta

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ay ka jirto biyo yari kadib markii ay cillad gashay qalabka lagu soo saaro biyaha ee ceelka ugu weyn ee degmada Balcad.

Biyo yaridan ayaa waxaa ay saameysay inta badan dadka ku nool xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Balcad oo isticmaali jirey ceelka biyaha degmada.

Mid kamid ah dadka degen degmada Balcad ayaa u sheegay warbaahinta in ay dhibaato ku qabaan marka ay cillad soo wajahdo ceelka oo si gaar ah loo leeyahay isla markaana dadka ay biyo u raadsadaan ceelal kale halka dadka qaarkiisna ay biyaha wabiga isticmaalaan.

“Muddo labo maalmood ah waxaan ka weynay tubadii guriga noogu jirtay biyo aan cabno mana naqaan meel kale oo aan biyo ka heli karno oo aan ka ahayn wabiga.”ayay tiri hooyo lagu magacaabo Xaawo Cabdi oo ka mid ah shacabka degen magaalada Balcad.

Ceelka ugu weyn degmada Balcad ayaa ah ceel uu gacanta ku hayo nin ganacsade ah iyadoo ceelkana uu yahay mid ay lahayd dowladii hore ee Soomaaliya.

Magaalooyinka Jowhar,Balcad iyo Afgooye ayaa ceelal ay ka hirgelisay dowladii hore ee Siyad Barre ayna ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed dowladii hore ee Jarmalka Galbeed waxaa gacanta ku haya dad gaar ah waxayna dadkaas oo la wareegay ceelasha ay ka qaataan shacabka lacago ka badan tan ceelasha sida gaarka ah loo leeyahay ee dalka.

Comments are closed.