Akhriso:Maamulka Galmudug oo warsaxaafadeed kasoo saaray duqeyntii kadhacday Duleedka Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta warsaxaafadeed ka soosaartay weerkii shalay ciidamada cirka mareeykanka ay ku weerareen saldhig ciidamada daraawiishta Galmudug ay ku lahaayeen bariga magaalada Galkacyo weerarkaas oo ay ku dhinteen 13 askari , 7 kalana ay ku dhaawacmeen iya doona hal askari aan wali lahayn nololo iyo gaari  iyo burbur ku yimid gadiidka ciidanka Galmudug.

Arinta laxiriirta duqeyntaan ayaa waxaa kahadlay dowlada federaalka iyo sidookale maamulka galmudug.

waxaana wareysi uu warbaahinta siiyay taliyaha ciidanka 21aad ee xooga dalka uu kusheegay ciidanka laduqeeyay in ay ahaayen kuwo katirsan xooga dalka isla markaasna deegaanadaas ay utageen ugar gaarida dad shacaba oo deegaanadaas kunoolaa

hoos ka akhriso warsaxaafadeedkii maanta  ay soosaartay Dowlada Galmudug

 
JamhuuriyaddaFaderaalkaSoomaaliya DowladGobaleedkaGalmudug

XafiiskaMadaxweynah
Galmudug State Office of thePresident
WAR SAXAAFADEED
جمهــــــــــــــــــوريــــــــــــــة الصــــــــــــــــومال الفــــــــــدراليـــــــــــــــــة
حكومة اقليم جلمـــــدج
مكتـــــب الرئيـــــس
29th Sept 2016

DUQAYN LOO GEYSTAY CIIDAMADA DOWLAD GOBOLEEDKA GALMUDUG

Subaxinimadii shalay oo ay taariikhdu ahayd 28/09/2016 ayaa ciidamada cirka mareykanku duqayn ugeysteen cutub kamid ah ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug oo . Duqayntaas waxaa lala beegsaday cutub ka mid ah ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug oo ku sugnaa fariisin ku taal bariga magaalada Gaalkacyo. Duqayntaas waxaa lagu dilay 13 askari oo ciidanka Galmudug halka 7 kalena aay ku dhaawacmeen weerarkaas, ayadoo wali la la’yahay hal askari geeri iyo nolol intaba.
Waxaa qasaarahaas ka dhashay kamid ah in lagubay labo gaari oo nuuca tiknikada ah oo ay lahaayeen ciidamada Dowlada Galmudug.
Dowlad Goboleedka Galmaudug waxay aad uga xuntahay in Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanku ay isticmaashay xog qaldan oo aan tuhunsanahay inay dhinaca maamulka Puntland kaga timid taasoo laga lahaa dano gaar ah iyo ujeedooyin guracan oo aan marna u adeegeeyn hadafka iyo ujeedka ladagaalanka argagixisada.
Dowlad Goboleedka GalmudugWaxaa ka go’an ladagaalanka argigixisada, waxayna si geesinima leh goobo badan kula dirireen bilawgii sanadkan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaa xusid mudan in ciidanka la laayayna ay ka mid ahaayeen, qeyb lixaad lehna ka qaateen dagaaladaas shabaabka looga difaacayay guud ahaan soomaliya, gaar ahaan deegaanada Galmudug
Xogta qaldan ee sida ula kaca ah loogu marin habaabiyay dowlada mareykanka waxaa looga gol lahaa in lagu abuuro dhiilo colaadeed oo dhaawaceysa xariirka labada maamul, taas oo sababikarta in laga weecdo hadafkii guud ee ladagaalanka argagixisada laguna mashquulo loolanka siyaasadeed oo aysan cidna ka faa’iideynin.
Galmudug marna diyaar uma ahan in ay dabinkaas ku dhacdo waxaana ka go’an ladagaalanka argigixisada waxa ayna u diyaarisay ha’ado nabadgalyo oo la socda dhaq dhaqaaqa argagixisada kulana dirira meelkasta oo ay joogaan, waxaa sidoo kale kusugan Galmudug hay’ada sirdoonka qaran oo ay Galmudug wada shaqeyn buuxda la leedahay inta aan ognahay labada hay’adood midkoodna lama wargalin.
Galmudug waxaay cadeyneysaa moowqifkeeda ah in Galkacyo iyo arimaheedu yihiin kuwo xasaasi ah, sidaa darteedna Dowlada Galmudug kuma qanacsana jawaabta hordhaca ah ee ilaa iyo haatan soo baxday
, waxaana ugu baaqeynaa Dowlada Mareeykanka in ay baaritaan dheeri ah sameeyso Galmudugna waxa ay diyaar utahay in ay gacan ka geysato arinkaas waxaana marakale ku celineynaa sida ay Galmudug uga go’antahay ladagaalanka argagixisada.
Waxaan ku baaqeynaa in aan hadafka laga weecan maadaama uu dalku marayo marxalad xasaasi ah oo doorashooyin lagu jiro, argagixisadu dooneyso in ay nabada iyo doorashooyinka hor istaagaan waa xiligii iskaashiga iyo wada shaqeyn ee mahan xiligii xiisad kicinta iyo colaad abuurista,Galmudugna waxay dalbaneysaa cudur daar buuxa iyo magdhaw .

——– —-Dhamaad————-

MadaxtooyadaGalmudug, Cadaado.

Email: cos@galmudug.gov.so

Comments are closed.