Baydhabo: Nin Weerar Bambo gaystay oo Gacanta lagu dhigay

Wararka Maanta

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa xalay ka dhacay weerar bambaano oo lagu qaaday Xarun ay halkaasi ku leedahay Hay’ad ka howlgasha deegaanada maamulka koonfur Galbeed.

Xarunta la weeraray  lasoo sheegayaa in xilligaas aysan cidna ku sugneyn,isla markaana jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkaasi bambaano.

Ciidamada Ammaanka Magalada Baydhabo iyo kuwo Madani ah ayaa gaaray Xarunta bambaanooyinka lagu weeraray,waxaana suurtagashay inay gacanta ku dhigeen ninkii weeraraasi bambaano ka dambeeyay.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Ninka ay Ciidamada Ammaanka qabteen ee weerarka geystay uu watay Mootada nooca loo yaqaano Bajaajta oo uu doonayay in uu ku baxsado,hayeeshee Ciidamada Ammaanka Baydhabo ay gacanta ku dhigeen