Barlamaanka Galmudug oo ansixiyey Golaha Wasiirada cusub (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi ayaa horgeeyey Barlamaanka Galmudug Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban 23 wasiir, 22 wasiir ku xigeen, 8 Wasiiru dowle.

Fadhiga Barlamaanka oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxaa soo xaadiray 66 Xildhibaan, waxaana Madaxweynuhu Khudbad kooban ka horjeediyey Barlamaanka hortooda, isagoo ka codsaday inay ansixiyaan Golaha wasiirada cusub, waxaana codeyn kadib 52 xildhibaan ogolaadeen Golaha wasiirada cusub, halka 14 kale ay diideen. sidaas ayay ku gudubtay xukuumadda cusub.

Intaas kadib ayaa Madaxweyne Xaaf uu uga mahad celiyey Barlamaanka ansixinta xukuumadda cusub, waxaana goobta joogay golaha wasiirada cusub, sidoo kale Wasiirka cusub ee wasaaradda dastuurka iyo dib u heshiisiinta Maxamed Cabdi colaad ayaa goobta xaadir ku ahaa, isagoo aan ku jirin liiskii hore ee magacaabista.

wasiiro Galmudug2wasiiro Galmudug1 wasiiro Galmudug