Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada oo taageeray Mowqifka Xaaf

Wararka Galmudug Wararka Maanta

War saxaafadeed ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa lagu sheegay in ay lama filaan ku noqotay war murtiyeed uu Aqalka Sare ka soo saaray 2dii bishan arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug.

CabdiWali Gaas ayaa ninka diidan in Madaxweyne Xaaf aqbalo wada hadalada ay ugu baaqeen Madaxda Dowladda Dhexe iyo Aqalka Sare, Waxa uuna ku cadaadinayaa Xaaf inuu dhagaha ka fureysto hadalka Dowladda Federaalka.

Gaas ayaa hoggaanka u qabtay Xaaf kadib markii ay heshiis hoose ku galeen in la hakiyo dhismaha dekedda Hobyo, taas oo Xaaf looga badashay in Dusmareeb la geeyo.

Madaxweyne Xaaf ayaa diiday soojeedin kasta oo timaada dhanka dowladda dhexe, isagoo ka amar qaadanaya Cabdi Wali Gaas oo ah Madaxweynaha qarsoon ee Galmudug.

halkaan ka aqriso warsaxaafadeedka.