Imran Khan oo loo dhaariyay Ra’iisulWasaarenimada Pakistan

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Cayaaryahankii hore ee cayaarta cricket-ka  Imran Khan ayaa loo dhaariyay inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan, markii 20 sano kadib uu ku soo biiray masraxadda Siyaasadda.

Mr Imran Khan ayaa jimcihii shalay goluhu isku raacay in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha Pakistan, taasi oo ka dambeysay markii xisbigiisa PTI ay ku guuleysteen inta badan kuraasta baarlamaanka doorashadii bishii July ka dhacay dalka Pakistan, waxaana codad kale oo ka dhinaa uu ka helay xisbiyo Siyaasadeed oo ay wada gaareen heshiis wax qeybsi.

Mr khan ayaa xooga saari doono sidii uu wax uga qaban lahaa sare u qaadidda dhaqaalaha dalka Pakistan oo sanadihii dambe hoos u dhac ku yimid.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xilka maanta loo dhaariyay isla markaana uu la imaan doono isbadalo siyaasadeed oo lagu horumarinayo hanaanka uu Pakistan kula macaamilayo dalalka dariska ah.

Mr Khan oo 65 sano jir ah ayaa ahaa kabtankii hogaaminayay sanadkii 1992 markii Pakistan ay ku guuleysatay cayaaraha adduunka ee cricket-ka, waxaana uu xiligaas kadib ku soo biiray hanaanka siyaasadeed ee dalka Pakistan.

Jimcihii shalay ayuu helay codad dhan 176 xubnood oo baarlamanka dalkaasi, halka qofkii la tartamayay uu isna helay 96 cod.

Hadal uu Baarlamaanka ka hor jeediyay Mr Khan Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayuu ku sheegay in uu la dagalami doono musuq maasuqa, isla markaana uu daaha ka rogi doono barnaamij cusub oo ku saabsan la xisaabtan, uuna fursad siin doono dhallinyarada waxbaratay  ee dalkiisa.

“Waxaan gaaray hadafkeyga kaddib muddo 22 sano oo aan u soo halgamay sidii ay ku noqon lahaa Ra’iisul Wasaaraha Pakistan” ayuu yiri Mr Khan.